Gobolka Stockholm ayaa wakhti ganaaxaysay shaqaalaha shaqada iman wakhtigii lagu talo galay.
Gobolka Stockholm ayaa wakhti ganaaxaysay shaqaalaha shaqada iman wakhtigii lagu talo galay. sawir: Karin Tengby / Röda Korset / TT

Turjubaanada soo daaha oo ganaax lagu bilaabay

Maamul goboleedka Stockholm ayaa bilaabay in ay ganaaxo turjubaanada ka soo dib dhaca shaqada.

Mid ka mid ah turjubaanada sidan oo kale loo ganaaxay ayaa ah gabadh lagu magaacabay Jessica. 1 500 oo koroon ayaa lagu ganaaxay ka dib markii ay shan daqiiqo shaqadeeda ka soo habsaantay.

Maamulka gobolka Stockholm ayaa wakhti ganaaxayay shaqaalaha aan shaqada iman wakhtigii loogu talo galay. Jessica ayaa hadda ku khasban in ay bilaash u shaqeeyso laba cisho si ay u bixiso ganaaxa lagu soo dalacay.

Elisabeth Carduso oo ka hawlgasha shirkada turjubaanka ee Semantix. Waxay sheegtay in ay go´aanka ganaaxa turjubaanadu yahay mid ka iman kara maamul goboleedka keliya, hasa yeeshee ay shirkadeedu baadhan sababaha ka dambeeyay in u shaqaalahoodu soo daahay.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista