Tele2 och Comhem går ihop. Anders Nilsson, vd Comhem. Foto: Janerik Henriksson/Magnus Hjalmerson Nejdeman/TT. Montage: Sveriges Radio.
Shirkadaha Tele2 iyo Comhem oo isku biiraya. Anders Nilsson, agaasimaha guud ee Comhem. sawir: Janerik Henriksson/Magnus Hjalmerson Nejdeman/TT. Montage: Sveriges Radio.

Shirkadaha mobaaylada Tele 2 iyo internetka Com Hem oo isku biirey

Shirkado adeegga is-gaarsiinta oo isku biirey
2:49 min

Shirkadaha is-gaarsiinta mobaaylada ee Tele 2 iyo shirkadda internet-ka ee Com hem ayaa ku dhawaaqay iney shirkad wada noqdeen.

Illaa hadda ma cadda sida laga yeeli doono shaqaalaha labada shirkadood. Midda keliya ee xaqiiqda ahi waxay tahay inuu hoggaanku xaq u yeelan doono ugu yaraan abaal-gud laba sannadood mushaarkood.

 -Waxay ka macne tahay Midda ugu horreeysa waa tallaabo u wanaag-san macaamiisha oo hela adeegyo buuxa oo kala duwan, middaasina oo aaney labada shirkadood midna iminka lahayn sida uu sheegay agaasimaha shirkadda Com hem Anders Nilsson, oo lagu wado in loo magacaabo agaasimaha guud ee shirkadda cusub ee Tele 2, oo la hadlay laanta wararka Ekot.

Agaasimaha shirkadda Tele 2 Sweden ayaa sidoo kale raaciyay in:

-Muhiimadda ugu wayn ee isku biiristan laga leeyahay ayaa ah isku tagga shirkadaha oo xoogeeysta, isla markaana macaamiisha ku casumi kara adeegyada dijitaalka ah ee bulshada iyo shirkadaha Sweden u baahan yihiin.

-Isagoo hadalkiisii sii watana sheegay iyo in macaamiishu ey helaan adeegyo ka wanaag-san, sida uu hadalka u dhigay.

Mustaqbalka shaqaalaha ayaan caddeeyn, halka dhanka  kale hoggaanka shirkaduhu heli doonaan dhaqaale dheeri ah ee abaal-gud.

-Xaaladda shaqaalaha iyo tiradooda ayuu sheegay Anders Nilsson inay tahay mid ey dib kaga soo warrami doonaan, hase yeeshee la dhimi doono tiro aan badneyn

Tallaabo la sugayay

Bengt Nordström, agaasimaha guud ee shirkadda talo-bixinta Northstream, ayaanu heshiiskani ku noqon mid kedis ah.

-Isku darkan ayaa ahaa mid muddo la dhowrayey. Mana ahayn kedis, maadaama ay shirkadda Kinnevik ay maal-gelin ballaaran ku sameeysay shirkadda Com hem sannadkii ina dhaafay.

Tallaabadan isku darsanka ayaa ula muuqata mid lagu adkeeynayo kobaca suuqa ganacsiga xiriirka oo uu hakad ku yimid.

-Wixii isku darsankan ka dambeeya ayuu dalkan Sweden yeelan doonaa saddex shirkadood oo adeegyadan ku howl-gala, kuwaasina oo kala ah: Telia, Tele 2-ga   cusub iyo Telenor. Suuq ey adeegyadiisa ka howl-galaan saddex shirkadood oo qabta adeegyo isku mid ah ee kut artamaya macaamiisha.

Guulaha isku biiridda

Sida ay shirkaddu qiyaaseeyso waxey ku guuleey-san doontaa inay khasnadda ugu baaqato dhaqaale gaarsii-san 450 malyan oo koron iyo dhaqaale intaa le’eg oo dakhli dheeri ah, sida uu sheegay.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".