Saciida Munye, Mohamed Nuur, Nasra Ismaaciil iyo Faduma Cigaal.
Saciida Munye, Mohamed Nuur, Nasra Ismaaciil iyo Faduma Cigaal. sawir: Mona Ismail Jama/SR

Soomaalida Rinkeby oo ka welwelsan dhalinyarada xaafadda lagu togtay

4:04 min

Shalay galabnimadii ayey dhowr urur iyo waalidiin soomaali ah la kulmen boliiska xaafada Rinkeby ee magaalada Stockholm si ay uga wada xaajoodaan dhacdooyinka xaafadda ka dhacay tobaankii maalmood ee ugu dambeeyay oo laba dhalinyaro ah lagu dilay xaafadda Rinkeby.

Waxaa ugu dambeeysay isniintii na soo dhaaftay halka wiil jira da´da 25 lagu toogtay suuqa xaafadan isaga oo ka cunteynaya makhaayad. Wiilkan ayaa dabeetana u dhintay dhaawicii xabbadda ee halkaa ka soo gaadhay. Dhacdadan iyo toogashadii dhacday maalmo ka hor ayaa keentay in waalidiinta xaafadda Rinkeby ey shiraan isugu yimaadaan iskuulka Rinkeby si ay uga wada xaajoodaan dhibaatooyinka xaafadda hareeyey.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".