Amelie Gustafsson socialchef, kommundirektör Jan Solmér, Martin Persson, chef för utbildningsförvaltningen i Lomma och Svenjohan Davidson, verksamhetschef grundskolan, under pressträffen i Lomma.
Shir jaraa'id saaka lagu qabtey degmada Lomma oo looga hadlayey geerida qoys afar ruux ka koobnaa. sawir: Johan Nilsson/TT

Qoys ka kooban waalid iyo laba carruur ah oo meeydkooda guriga laga heley

2:19 min

Kadib kolkii meeydkooda laga heley daar ey ku noolaayeen gobolka Skåne qooys afar ruux ka kooban xalay fiid-nimadii ayuu maamulka degmada Lomma oo ey ku dhaqnaayeen bilaabey howlo la xiriira xaalad degdeg ah.

Kulan shir jaraa’id ah oo degdeg la isugu yeerey saaka oo lagu qabtay xarunta degmada Lomma waxaa lagu soo ban-dhigey howlaha la go’aansadey in lagu tallaabsado. Ciddii u baahan taageero waxaa lagu war-geliyey inay ka doonato kaniisadda Bergakyrkan ee xaafadda Bjärred, halkaasina oo ey ku sugnaan doonaan howl-wadeenno ka socda degmada iyo kaniisaddaba. 

–Iminka waxaannu xoogga isugu geeyn doonnaa xaafadda Bjärred. Waa midda aannu diiradda saari doono, sida ay sheegtay madaxa laanta adeegga bulshada Amelie Gustafsson, isla markaana loo xil saarey isku-duwaha xaaladdan degdegga ah ee degmada. 

Ciidanka ammaanka ayaa ka gaabsaday inuu ka war bixiyo xaaladda reerku u geeriyooday, hase yeeshee bilaabay baaris dil. Wuxuu kaloo ciidanka ammaanku sheegay in aanay baadi-goob ugu jirin cddii dembigaasi ka dambeeysay. Qoyska meeydkiisa la heley ayaa ka koobnaa waalid afartan jirro ah iyo iyo laba dhallaan ah oo ey dhaleen oo da’doodu ahayd 11 iyo 14 jirro. Halka iskuulkoodana taageero dheeri ah la geliyey oo ku wajahan ardeyda iyo waalidiintaba.

Degmada ayaa sheegtay in aanu horay u jirin welwel ka soo yeerey ama qooyska laga welwel-sanaa, hase yeeshee ay madaxa laanta adeegga bulshada Amelie Gustafsson sheegtay in dib u eegis lagu sameeyn doono in aragtidu gaabnaatay iyo in kale. 

–Waa qeyb howlaha ka mid ah iyo iney jiraan asbaabo loo baahnaa inaan horay faraha ula galno, inkastoo aanay illaa hadda noo muuqan, sida ay sheegtay Amelie Gustafsson. 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista