En kvinna försöker begå självmord genom att skära sig i handlederna med ett rakblad
Gabar isku dayeeysa iney sakiin halbowlaha gacanta isaga jarto si ay isu disho. sawir: CLAUDIO BRESCIANI / TT

1100 ruux ayaa is dila Sweden sannadkii

Qiyaastii 1 100 qof ayaa dalka Sweden qudha isaga jara sannadkii, halka dhanka kale dalka laga diiwaan geliyo 350 ruux oo geeridooda la saari waayey sababta ka dambeeysay.

Wixii ka dambeeyey 2015 ayay dawladdu u xil-saartay hayadda caafimaadka bulshada sidii ay ku dardar gelin lahayd howlaha sidii nolosha loo badbaadin lahaa.

Dhanka kale hayadda ayaa farta ku fiiqday inuu xiriir ka dhaxeeyo qbatinka khamriga iyo inay shakhsiga ku dhalato inuu nafta iska jaro, isla markaana dawladda oo la timaada siyaasad wanaag-san oo ku wajahan ganacsiga khamrigu ay dhimi karto dhibaatooyinka is dilka.

Xaaladda hablaha oo aan is bedelin

Hayadda caafimaadka bulshada ayaa sidoo kale sheegtay in sannadihii ugu dambeeyey (2007-2016) uu xoogaa hoos u dhacay is dilkii ragga, halka uu dhanka haweenka taagnaa heerkii uu ahaa. Is dilka ayaa ku badan dadyoowga heeysta shahaado ka hooseeysa dugsiga sare. Hablaha da’doodu u dhexeeyso 15-29 jir ayuu is-dilku sabab u yahay geerida ugu badan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista