Rikspolischef Dan Eliasson intervjuad av TT på polishuset i Stockholm
Hoggaamiyaha ciidanka ammaanka Dan Eliasson. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Tirada dembiyada uu boliisku ka guul gaaro ayaa kor u kacday 2017

Dembiyada qaarkood oo kor u kacey in laga guul gaaro muddo sanooyin ah
1:18 min

Markii ugu horreeysay muddo sannooyin ah ayuu ciidanka ammaanku dacwado dheeri ah u gudbiyay xeer ilaaliyeaasha. Dacwadaha kordhay ayaa la xiriira kufsiyada iyo naarkootika.

Halka dhanka kale ey hoos u dhaceen dacwadaha uu ciidanka ammaanku ka gudbiyey ee la xiriira dembiyada xoogga-middaasina ugu wacan yihiin is xabadeeynta, sida uu aamin-san yahay madaxa ciidanka ammaanku.

-Waxaannu ku guuleeysaney in aannu bedelno hoos u dhicii howlaha uu ciidanka ammaanku ku guul-darreeysto inuu dacwad ka gudbiyo, sida uu sheegay madaxa ciidanka ammaanka Dan Eliasson, oo ay wareeysi la yeelatay idaacadda SVT. Isagoo hadalkiisii sii watana sheegay:

-In loo baahan yahay in lagaga sii wanaag-sanaado ka guul gaaridda dembiyada xoogga ee sannadka 2018, kolka loo barbar-dhigo 2017, waxaana noo socda howlo aannu ku gaari doonno. Howlo badan ayaa halkaa nooga har-san, sida uu sheegay hoggaamiyaha ciidanka ammaanka Dan Eliasson:

Guud ahaan dembiyada uu ciidanka ammaanku u gudbiyay xeer-ilaaliyeyaasha ayaa kor u kacey 3,1 boqolkii.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".