Jobbintervju.
sawir: Simon Paulin / SvD / TT

Sidee wax looga qaban karaa faqooqa lagu hayo ajaaniibta ee suuqa shaqada

Qalinle: Waa dhacdooyin mar walba dhaca"
11 min

Cilmi-baaris lagu sameeyey jaamicadda Lund ayay ku caddaatay in faqooq suuqa shaqada lagula kaco dadyoowga sita magacyada carabta kolka ey baadi-goob shaqo ugu jiraan, iyadoona lagu weeydiiyo su’aallo ka duwan kuwa la weeydiiyo dadyoowga sita magacyada iswiidhishka.

Arrimmahaa ayaannu haddaba wax ka weeydiinney Qalinle Dayib oo aqoon ballaaran middaa u leh wakhtiyada qaarkoodna bixiya aqoon korosi la xiriira is af-garan waaga bulshooyinka kala duwan iyo sidii xal loogu heli lahaa. Qalinle Dayib wuxuu sidoo kale hoggaanka degmada Kristianstad u metelaa xisbiga Centerpartiet, halkaasina oo uu ka qayb qaato wareeysiyada lala yeesho dadyoowga shaqada dalbaneya.

Cilmi baaristan ayuu sheegay Qalinle Dayib in aanay ahayn middii ugu horreeysay ee dhiggeeda, hase yeeshee baarisyo badan oo la xiriira faqooqa shaqada horey looga soo sameeyey goobo kala duwan dalka gudihiisa, isku dhacanna ay marar badan ugu wacan tahay kala duwanaanshaha dhaqammada:

Sima Wolgast oo ku takhasustay culuunta maskaxda, isla markaana ka dambeeysay cilmi baarista ayaa isku day ku sameeysay tallaabada ugu horreeysa ee lagu kala saaro dadka shaqada soo dalbada, halkaasina oo ay ugu caddaatay in dadyoowga sita magacda carabta si ka duwan tusaale ahaan wareeysiyada loola yeesho ama su’aalaha loo weeydiiyo.

Middaasina oo uu Qalinle Dayib ku macneeyay inuu arrinkani yahay mid suuqa shaqada ku baah-san isla-markaana salka ku haya laba sababood:

Waana dhacdooyin horay looga dooday sidii fal-celin looga sameeyn lahaa, sida uu sheegay Qalinle Dayib:

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".