Amiirad Madeleine iyo seeygeeda Chris O`Neill oo xalay ey gabari u dhalatay

Amiirad Madeleine ayaa xalay ilmihii saddeexaad ee qooyskeeda ku dhashay gabar cusbitalka  Danderyd, sida lagu sheegay war laga soo xigtay daarta boqortooyada.

Amiiradda dhalatay ayuu culeeyskeedu ahaa 3 465 oo garaam, dhererkeeduna 50 cm, sida lagu sheegay war saxaafdeed laga soo saarey qasriga boqortooyada. Hooyada iyo gabadha dhalatey ayaa lagu soo warrameyaa inuu caafimaadkoodu aad u wanaag-san yahay.

"aad iyo aad ayaannu ugu farax-sannahey ilmaha reerka ku soo biiray, sidoo kale iney Leonore iyo Nicolas yeesheen walaal hor leh. Aad beyna u xiiseeyneyaan iney walaashood la kulmaan, sida uu war-saxaafadeed ku sheegay aabbaha ilmaha Christopher O`Neill. 

Amiirad Madeleine iyo seeygeeda Christopher O'Neill ayaa horey u lahaa laba ilmood. Gabadha Leonore, oo dhalatay bishii feeberaayo 2014 iyo wiilka Nicolas oo dhashay bishii juun 2015.

Habka dhaxaltooyada:

Nidaamka xeerka dhaxalka ee boqortooyada Sweden (SFS 1810:0926) ayaa qeexaya sida loo kala leeyahey dhaxalka kursiga boqortooyada kolka uu banneeyo boqor Carl XVI Gustaf.

Sida loo kala leeyahey:

1. Victoria Gabadha iska leh dhaxalka, ahna curadda boqorka dalka

2. Amiirad Estelle, curadda gabadha iska leh dhaxaltooyada

3. Amiir Oscar, wiilka ay dhashay gabadha iska leh dhaxaltooyada

4. Amiir Carl Philip ilmaha labaad ee boqorka dalka

5 Amiir Alexander, wiilka uu dhalay Carl Philip

6. Amiir, wiilka uu dhalay Carl Philip.

7: Amiirad Madeleine ilmaha saddexaad ee boqorka dalka

8: Amiirad Leonore, gabadha Madeleine

9: Amiir Nicolas, wiilka Madeleine

10: Gabadha u dhalatay Madeleine

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista