Sweden ayaa ka raja qabta in laga reebo ganaaxa canshuurta Mareeykanka

Dawladda Sweden ayaa ku rajo wayn in laga reebo canshuurta dheeriga ah oo uu maamulka Mareeykanku ku soo rogay ganacsiga biraha iyo alumiiniumka ee dalkaasi loo iib-geeyo, sida uu sheegay wasiirka manaafacaadka Mikael Damberg.

–Canshuurahan xuduudaha ayaa saameyn ku yeelan lahaa warshadaha ka ganacsada biraha iyo sidoo kale dhammaan warshadaha kale ee isticmaala birta, sidaa daraadeed waxaa dalka Sweden muhiimmad wayn ugu fadhida in aanay xaaladdani faraha ka bixin, iyo in la isku dayo sidii iyada oo loo marayo hoggaanka ururka midowga Yurub EU-kommissionen xal loo helo sidii waddammada Yurub looga saari lahaa liiska kordhinta canshuurta ee uu dalka Mareeykanku soo rogay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista