Kulan looga hadleyey cabsida laga qabo halista hortaala dimuqraadiyadda

4:03 min

Doorashada dalka ka dhici doonto iyo caqabadaha ku soo wajahan oo arbacadii shalay 14-ka maarso ka dhacay magaalada Stockholm.

Waxyaabaha kulankii sanadkan xoogga lagu saaray waxa ka mida arimaha doorashada sida uu sheegay Mubarik Mohamed Abdirahman oo kulanka goob ka ahaa mar uu u warramay idaacadda laanta af soomaaliga ee Radio Sweden.

Waxa sanadihii ugu danbeeyey saameyn weyn ku yeeshey doorooshin badan oo ka dhacay wadamada reer galbeedka faragelin kaga timaada warbaahinta social media-aha iyo wadamo shisheeye. Saameynta ay arimahani ku yeelan karaan nidaamka dimuqraadiyadda iyo dooroshooyinka ayaa ka mid ahaa waxyaabaha kulanka looga dooday, sida uu sheegay.

Dhanka kale siyaasiyiin badan ayey soo wajaheen arimo hajnabaad ah oo loo geysto iyaga ama reerkooda sababtayna iney siyaasadda isaga baxaan. Saameynta iyo khatarta ay arintani uu keeni karto dimuqraadiyadda ayaa iyadana ka mid ahaa waxyaabaha lagu lafo guray kulanka.

Mubarik Mohamed Abdirahman oo ka hadlaya coddeynta doorooshiinka iyo soomaalida wuxuu sheegay iney dad badan oo soomaalida ka mid ahi coddeeyaan taasoo keeneysa iney jiraan waxyaabo jinsiyadda ka muhimsan oo keena in dadka qaar aaney u coddeyn si badan.

Si loo sii kordhiyo coddeynta dadka soomaalida waxa muhima ayuu yiri Mubarik Mohamed Abdirahman in axsaabta kala duwani ka hadasho arimaha quseeya dadka ay soomaalidu ku jiraan iyo in musharaxiinta loo coddeynayo ay ka mid yihiin dad soomaali ah si ay soomaalida ugu muuqato iney jiraan wakiillo iyaga metelaya.

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista