Fikru Maru oo xabsiga laga siidaynayo

1:26 min

Fikru Maru oo ah dhakhtar dhalashada Sweden oo tan Ethiopia haysta oo mudo ku xidhnaa Ethiopia ayaa la filayaa in la siidaayo.

Qareenka Hans Bagner oo u doodaya Maru ayaa warkan u sheegay wakaaladda wararka ee TT.

- Waxan helay go´aan ka soo baxay maxkamadda oo sheegaya in la sii daayo Maru. Go´aankan waxa la gaadhsiin doonaa ilaalada jeelka oo markaas si rasmi ah u sii deyn doona Maru. Waxa la sugayaa in ay arrintan u dhacdo si dhakhso ah ayuu sheegay, Hans Bagner.

2013 ayey ahayd markii la qabtay dhaktarkan oo ku takhasusay qaliinka wadnaha. Waxa lagu eedeeyey markii hore musuqmaasuq, balse waxa markii danbe lagu soo eedeeyey denbiyo la xidhiidha argaxiso.   

Gabadha uu dhalay Maru ee Emy Maru ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay warkan balse aanay rumaysan karin ilaa hadda.

- Waxan dareemayaa sidi wax aan run ahayn. Waxa hadda laga sii daayey waa danbigii lagu eedaynayey. Balse anigu weli lama kulan.

Wasaaradda arrimaha debedda ilaa iyo hadda ma xaqiijinin warkan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista