Hablaha reer Malmö wey awoodaan!

9:27 min

Hablo asal ka soo jeeda Soomaaliya ee ku dhaqan magaalada Malmö da'dooduna u dhexeeyso 15 illaa iyo 25 jir oo qayb ka ah mashruuc loogu magac darey "Tjejer kan - habluhu wey awoodaan" ayaa muddo ku howlanaa sidii loogu dhiiri gelin lahaa in hor muud iyo hoggaan loo noqdo si ey kalsooni isugu qaadaan.

Mashruuca oo laba jirsaday ayaa galab-nimadii axadda ee toddobaadkii ina dhaafay lagu soo ban dhigey howlihii u qabsoomey. Iyadoona waxyaabihii goobta lagu muujiyey ey ka mid ahaayeen xirfadaha far shaxan, qoob ka ciyaar, cunto karin, tolliinka dharka oo dabadeed moodo ahaan lagu soo ban-dhigey, habka barnaamijyada youtub-ka loo sameeyo, make upp waxa loo yaqaanno ee is qurxinta iyo waxyaabo kale. .

Bulshadii xiiseeyneeysay carwada ayay ka mid ahayd Ruwayda oo bilo kor u dhaaftay 6 sannadood, sida ay noo sheegtay mar aannu goob joog ka aheyn carwada. Iyadoona sheegtay inay aad iyo aad ula dhacsanayd waxyaabihii ay carwada kula kulantay:

-Waa mid sareeysa. Waxaan aad uga helay canbuurka dhexda dhuuban ee midabka casaan calanka ah oo aad arkeeyso gabadha dhexdeedu inta ay le'eg tahay, sidaa waxaa tiri Ruwayda oo goobta carwada ku sugnayd. 

Barnaamijkii oo dhammeeys tiran halka ka dhageeyso.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista