Eedayn ku aaddan qawaaniinta tababaraha ilmaha ee sameeya fara xumayn

2:19 min

Ciyaar yahanka caanka ee Patrik Sjöberg ayaa dhaleeceeyey in ururka ay ku midoobeen ururada ciyaaraha ay wakhti ku qaadatay dib u eegidda qawaaniinta ku aaddan tababareyaasha gala falalka denbiga ee fara xumeeynta.

Patrik Sjöberg oo sheegay in isaga qudhiisa yaraantiisii la fara xumeyeey ayaa dhaleeceeyey arinta ah in tababaraha ka gala falka denbiga galmada ardayda laga joojiyo ciyaaraha mudo ka gaaban denbiyada kale ee qofka lagu helo sida isticmaalka daroogada iyo fara gelin ciyaar (matchfixning).

Patrik Sjöberg ayaa intaa ku daray iney khasab tahay inaan meesha ka saarno raggan waxyeelada u geysanaya caruur aan is difaaci karin. Waxeynu ku nool nahay adduun aan wanaagsaneyn haddeynu dhayalsano caruurta loo geysanayo xadgudubka denbiga galmada. 

Lucie ayaa ka mid ahayd ardaydii uu billowgi 1990-meeyadi ku xadgudbay macalin dhallaanka u tababari jiray faras fuulka kaasoo denbiga lagu helay.

– In qof lagu helay denbi galmo uu caruur ka galay kadib marka laga soo daayo xabsiga loo ogolaado inuu la shaqeeyo caruur iyo inuu iskuul ka shaqeeyo, siddeey taa ku dhici kartaa sharci ahaan?

Gudoomiyaha ururada isbaheysiga ciyaaraha Björn Eriksson ayaa doonayo in la sii adkeeyo qawaaniinta la xiriirta tababareyaasha ciyaaraha ee gala falalka denbiyada galmada.

Ururka isbaheysiga ciyaaraha ayaa sanadka soo socdo shirkooda sanadlaha uga wada hadli doona qawaaniintan. Waxa laga joogaa 25 sano markii ugu horeysay ee la dhaleeceeyey qaabka ciqaabta dadka gala falalkan.  

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista