Nin ka soo jeeda Suuriya oo loo qabtay arimo la xiriira argagixiso

1:15 min

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in nin 45 jir oo deggen bartamaha Sweden uu booliiska talyaanigu uga shakisan yahay inuu hogaaminayo koox ka shaqeysa lacag dhaqid ku lug leh argagixiso.

Ninkan ayaa iminka lagu hayaa dalka Denmaak sida laga soo xigtay laanta wararka Ekot. Ninkan ayaa horay loogu tuhumay maal gelin  maalgelin ku saabsan argagixiso balse la sii daayey bishii nofeember 2017, iyada oo ruumaanka lagu hayay muddo afar bilood ah.

45 jirka oo horey u deggenaa magaalada Sardiiniya ee dalka talyaaniga ayaa sida laga soo xigtay booliiska talyaaniga, ah hogaamiye kooxeed  kuwaasina oo u diray lacag gaareysa 20 milyan oo karoon kooxda al-Nusrafronten oo ah koox ka jirta Suuriya oo lagu eedeeyo arimaha argagixisada.

Sida laga soo xigtay booliiska talyaaniga waxey lacagtu ka timid dadka sharci darada lagu keeno.

Ninkan 45-jirka ah ayaa iska fogeeyey denbiga lagu eedeeyey. Sida laga soo xigtay qareenka wuxuu ninkani dad ku nool dunida dacaladeeda ka caawineyey sidi ay lacag isugu xawili lahaayeen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista