Vänsterpartiet oo aan ka muuqan warbaahinta

2:44 min

Baadhitaan cusub ayaa muujinayaa in xisbiga Vänsterpartiet iyo hogaamiyahooda Jonas Sjöstedt ey noqdeen qaar aan laga arag warbaahinta xilli doorashaddii soo dhowdahay.

Sjöstedt ayaa loo aqoonsaday in uu yahay qof ka maqan noocyadda kala duwan ee warbaahinta. Baadhitaanka ayaa ku dhisan tiro koob lagu sameeyey wararka ugu waaweeyn ee xisbiyaddu soo bandhigeen bilihii maarso iyo abriil. Waxa kale oo la eegey wararka warbaahinta ee sida weeyn  loola socday bilahaas iyo weliba sida xisbiyadda kala duwan looga hadal hayo baraha bulshadu ku wada xidhiidho.

Aron Etzler, xog-hayaha xisbiga Vänsterpartiet ayaa u arka faa´iidooyinka ay leedahay in aan laga muuqan warbaahinta.

- Inta badan hadal haynta xisbiyada waa mid aan wanagsanayn. Hadii xisbigu uu ku hooseeyo taageerada codbixiyeyaasha, waxa la hadal hayaa xisbigii, haddii fadeexad ay ka jirto waaa laga hadlaa xisbigaa, haddii xisbigu keeno fikrad lama filaan ah waa laga hadlaa taas. Hayeeshee anigu waxa aan ku faraxsan ahay in aan xisbiga- yagu ahayn xisbi iibiya mabaaddiida uu leeyahay, ayuu sheegay Etzler.  

Dhinaca kale hogaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna, Stefan Löfven ayaa ah qofka intii ugu badnayd lagu arkayey noocyadda kala duwan ee warbaahinta. Hayeeshee saadaasha taageerada cod-bixiyeyaasha ee xisbiga Socialdemokraterna ay hoos u sii dhaceeysay muddooyinkii ugu danbeeyey.

Isaga oo ka jawaabayey taageerada hooseysa ee xisbiga ayuu yidhi ra'iisalwasaare, Löfven.

- Waa wax aan wanaagsaneeyn. Shaki ma laha arrintani. Waxan rajeynayaa olole doorasho oo ku saabsan waddada uu waddu  marayo iyo bulshada aan rabno in aan noqono. Ololaha doorashadu waa in uu ku saabsannaado waxyaabo badan. Muhiimad wayn ayey dabcan u leedahay dadka in ay ogaadaan sida siyaasadda soo gelootigu u ekaan doonto, taasna hada jawaab ayaan ka bixinay, ayuu yidhi Löfven.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista