Skogsbrand strax utanför Hammarstrand på tisdagen. Vattenbombning med hjälp av helikoptrar. Foto: TT
Skogsbrand strax utanför Hammarstrand på tisdagen. Vattenbombning med hjälp av helikoptrar. Foto: TT

MSB: Xaaladda dabka Sweden waa mid aan weli la xakameeyn

2:39 min

Meelo badan oo dalka ah ayaa waxaa ka ololaya dab duureed weli loo la’yahay itaal lagu xakameeyo. Sida ay sheegtay hay’adda diyaargarowga iyo difaaca bulshada ee MSB xaaladda ugu daran ee dabka ayaa ka jirta gobolada  Gävleborg, Jämtland iyo Dalarna

– Weli waxaan suuragelin in la xakameeyo tiro dhowr oo dabka kacay ah. Dabka qaarkiisna waxaa uu u fidyaa si xawli ah, waxaa sidaasi yiri  Jakob Wernerman, oo ah madaxa hawlgalka dab duureedka u qaabilsan hay’adda MSB.

– Guud ahaan xaald culus ayaa nagu heysta guud ahaan dalka. Waxaan faham san nahay in dab cusub uu imaan karo, waana suuragal mida ugu sarreysa in uu sidan ku siii socoto waayo cimilada ayaa u muuqata sida ay imminka tahay, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Jakob Wernerman

Leif Gävert, oo ah madaxa hawlgalka ee hay’adda badbaadada ee degmada Ljusdal ee gobolka Gävleborgs län ayaa magacaabay meelaha ugu daran ee dabka uu ka gubanaya ee nawaaxiga degmadaasi.
  
Goob in yar u jirta degmada Ljusdal lana yiraahdo Jättendal ee isla Hälsingland ayaa lagu waramayaa in xalay dab hor le huu ka kacay.

Wararka ka imaneya gobolka Jämtland , xalay saqdii dhexe dhowr goobood ayaa waxaa ka kacay dab duureed. Dadka ku dhaqan xaafadaha  Pålgård iyo Bispgården ee degmada ee dabka gubanaya saammeeyay ayaa waxaa loogu baaqay in ay ku dhex joogaan guryahooda, iskana xiraan albaabada, daaqadaha iyo qeybta hawa saarka.

Wararka ka imaanaya Gobolka Dalarna waxay sheegayaan in aan weli lagu guuleysan daminta dabka ka gubanayay aaga Trängslet ee degmada Älvdalen hase yeeshee saakay aroortii ayaa waxaa howsha daminta dabka waxaa wada ilaa iyo 50 ciidamada difaaca madaniga iyo tiro labaatan kor u dhaafaya oo ka socda hay’adda badbaada.

Dhanka kale, dadaalka iyo halganka la doonayo in lagu damiyo dabka ka kacay goobo badan oo dalka ah ayaa waxaa ku soo biiraya diyaarado ka imaanaya dalka Talayaaniga saakay sida uu sheegayo Jakob Wernerman.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".