Mamnuucid in dab la shido
Grafik: Nick Näslund/Sveriges Radio sawir: Olle Tyrbo/Sveriges Radio och Viktor Blomberg/Sveriges Radio

Ku wargelin muhiim ah: Dabab ka aloosan goobo badan ee dalka.

1:07 min

Cimilada hawada ee kulul iyo dhulka qalalan daraadii waxay halis gelineeysaa inuu dab ka dhasho keeymaha iyo dhulka goobo badan oo dalka ka tirsan.

Waxaa la mamnuucey dhammaan falalka dabshididda.

Waxay ka dhigan tahay in la mamnuucey cunno la soolo, dab la shido xitaa barxadaada guriga hadday tahay.

Hawada cimilada kulul iyo qalaylka dhulka ayaa kor u qaadaya dalka badankii halista inuu dab ka kaco keeymaha iyo dhulka.

Guud ahaan waxaa la mamnuucey dab shidka.

Waxay ka macne tahay inaan keeymaha iyo bannaanka
-                           Lagu shidin dab ama cunno lagu soolin
-                           Lagu isticmaalin dhuxusha marka lagu soosho cunnada
-                           Lagu isticmaalin kushinka aalkolada/kushinnada dibadda

Waxaa sidoo kale mamnuuc ah in cunno lagu soosho ama dab lagu shito dibadda iyo goobaha teendhooyinka laha dhisto xilliyada fasaxa lagu jiro campingplatser. Barxadda gurigaaga waxaad ku soolan kartaa cunnada oo keliya birjikada korontada ku shaqeeysa.

Haddii aad sabab u noqoto dab kaca waxaa laguu raacan karaa masuuliyaddeeda.

Maadaama ey go'aannada mamnuucidda dab shididda ey ku kala duwan yihiin hayad goboleedyada ka xiriir warka dhabta ah ee quseeya goobta aad deggen tahay bogagga maamulka hayad goboleedka aad ku dhaqan tahay. Halkan guji.

Guud ahaan waxaa jira shan digniin oo ku war-gelin muhiim ah, kuwaasi oo ku wajahan bulshada. Sabab waxaa u ah dabka ka holcaya goobo badan oo dalka ka mid ah.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".