James P Allison iyoTasuku Honjo - Nobelpris-ka dawada ee sandkan 2018

1:50 min

Cilmi-baarista labadan aqoon yahan ayaa ku saabsan habeynta nidaamka difaaca jirka.

Cilmi-baarista labadan aqoon yahan ayaa ku saabsan habeynta nidaamka difaaca jirka.

Xoghayaha ururka Nobel, Thomas Perlmann:

– Ururka Nobel ee Karolinska institutet wuxuu maanta go’aan ku gaaray in abaalmarinta Nobel-ka fiisiyoolajiga ama dawooyinka sanadka 2018 loo qeybiyo James P Allison iyo Tasuku Honjo kuwaasoo ku guuleystay daweynta kansarka iyadoo laga hortagayo xanibaadda nidaamka difaaca jirka.

Waxa jira bukaan-socod iminka lagu daweeyo cilmiga ka yimid baaritaanka cilmi-baarayaashan, sida dawooyinka kansarada maqaarka, sanbabka iyo kelyaha.

Barafasoor Gunilla Karlsson Hedestam:

– Waxa iminka la badbaadin karaa nolosha dadka uu ku dhaco nooc kansar kaasoo aan horey dawo loogu heli jirin, ayey tiri barafasoor Gunilla Karlsson Hedestam oo wareysi siisay laanta wararka Ekot.

Daweynta noocan ah ayaa isbeddel weyn u keentay sida loo daweeyo kansarka.

Cilmi-baarayaasha ku guuleystay abaalmarinta ayaa ku soo shaqeeyey qaabab badan si difaaca jirka loogu hago inuu weeraro kansarka. 

James P Allison ayaa aad ugu farxay abaalmarinta Nobel ee uu ku guuleystay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista