Batteriga littium oo laga yaabo in lagu bixiyo abaalmarinta nobelka kemistariga

1:33 min

Batteriga litium ayaa lug weyn ku leh nolosheena. Batterigaa ayaa loo isticmaalaa telefoonada mobiilka, kombuyuutarada la qaadan karo ee laptop-ka iyo gawaarida casriga ah ee korontada ku shaqeeya.

Batteriga litium ayaa ah mid yar isla markaana khafiifa. Waa la jaajgareyn karaa isla markaana wuxuu keydiyaa tamar ka badan battariyada kale ee la jaajgareeyo.

Dadka aaminsan in curinta batteriga litium-ku keeneyso abaalmarinta Nobel-ka waxey ula jeedaan in battarigani ka dambeeyo nolosha casriga ah ee qalabka meel kasta loo qaadan karo iyo waliba innuu ugu danbeynta keeni karo hoos u dhigga gaaska kaarboon laba ogsaydh ee dhibaatada u keena degaanka. Wuxuu battarigu suura gelin karaa keydin balaaran ee dhanka tamarka cadceedda iyo in la soo saaro gawaari qiime jaban oo ku shaqeysa koronto.                     

John Goodenough oo ku guuleystay innuu ka shaqeysiiyo batteriga litium-ka ayaa iminka da’diisu tahay 96 isagoo aan walina ka fariisan howsha cilmi-baarista.

Haddii ay noqoto inaan abaalmarinta la siin batteriga markaa waxa dhici karta in Nobelpris lagu abaalmariyo unugyada cadceedda ee afka iswiidhishka loogu yeero "solceller" oo laga sameeyey perovskit. Perovskit waa macdan sare oo qeyb ka geysan karta sidi ay suura gal ku noqon laheyd in la helo looxyo cadceed ”solpaneler” oo qiime jaban isla markaana leh awood badan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista