Frances H Arnold, George P Smith iyo Sir Gregory P Winter oo ku guuleystay abaalmarinta sanadka ee Nobelpris-ka kemistariga

1:27 min

Sadax aqoon yahan oo sanadkan kala qeybsanaya abaalmarinta kemistariga ee Nobel-ka.

Xoghayaha akadeemiyada kungliga vetenskapsakademin Göran K. Hansson:

– Kungliga vetenskapsakademin ayaa maanta go’aan ku gaaray in abaalmarinta Nobel 2018 ee kemistariga loo kala qeybiyo Frances H Arnold oo dhinac ah iyo George P Smith iyo Gregory P Winter oo dhinaca kale ah, ayuu yiri Göran Hansson.

Akadeemiyada ayaa u aragta in sadaxdan aqoon yahan ay ku guuleysteen sidi loo kontorooli lahaa waxa loogu yeero evolution kadibna looga faa’ideeyo bani’aadamka.

Göran K Hansson ayaa u arka in abaalmarinta Nobelka ee sanadkani keentay kemistari la isku haleyn karo isla markaana ay yar tahay wuxuu degaanka u dhimo.

Frances H Arnold ayaa noqoneysa haweeneydii shanaad ee hesha abaalmarin Nobel ee ku saabsan kemistariga. Cilmi-baarista Frances H Arnold ayaa horseeday soo saaridda kiimiko sida dawooyin.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista