Mashruuca "Dhallaanka iyo waalidiinta iyo bulshada isku dhafka"

6:06 min

Su’aalahaasi waa kuwo uu ururka daladda ururrada Soomaaliyeed uu jawaab ugu raadineyo Mashruuc uu dhowaantan bilaaban doona oo loogu magac darey "Dhallaanka iyo waalidiinta iyo bulshada isku dhafan - afka iswiidhishkana lagu yiraahdo: Somaliska barn och förälder och samhällets mångafald, waana fikir horraantiisii uga yimid ururka, waalidiinta iyo ururrada xubnaha ka ah daladda.

Mashruucan ayaa la isku dayi doono sidii looga hor tegi lahaa cabashooyinka isa soo taraya ee ka imaneya waalidiinta soomaalida ee dalkan ku dhaqan ee welwelka ka qaba in ilmaha laga dareersado, sida uu sheegay Habane Xasan, ahna guddoomiyaha ururka daladda:

Howlaha mashruuca oo bilaaban doona koowda bisha noveembar ee sannadka, isla markaana socon doona illaa iyo diseembar 2021, ayuu ururku ka fulin doonaa shan ka mid ah magaalooyinka dalka, kuwaasina oo kala ah Stockholm, Göteborg, Malmö, Örebro iyo Borlänge, maadaama ay yihiin magaalooyinka ugu badan ee cabashooyinku ka soo yeereen, sida uu sheegay Habane Xasan.

Inkasta oo weli lagu guda jiro abaabulkii ciddii qaybta ka noqon lahayd mashruuca ayaa haddana la aqoonsan yahay habka loo howl geli doono kolka la gaaro koowda bisha noveembar ee 2018 oo albaabka loo furi doono howlaha mashruuca. Waxaa la howl gelin doonaa xubno ka mid ah ururrada ka dhisan shanta goobood ee mashruuca laga howl gelin doono, sidii ey u xiriirin lahaayeen waaxaha adeegga bulshada ee degmada iyo waalidiinta, sida uu sheegay Habane Xasan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista