Yaa heli doona abaalmarinta Nobeelka ee dhaqaalaha 2018?

1:45 min

Maanta ayaa lagu dhawaaqi doona qofka heli doona biladda abaal-marinta Nobeelka dhaqaalaha ee sannadka 2018.

Hadii la siiyo qof cilmibaadhis ku sameeyay arrimaha cimilada waxeey noqon doonta markii ugu horeeysay.

Klas Eklund oo ku takhasuusay arrimaha cilmiga dhaqaalaha ayaa sheegay inay la tahay in hadii ay sidas noqoto uu hanan doono  William Nordhaus, profesoor ka hawlgala jaamacada Yale ee dalka Mareeykanka.

Nordhaus ayaa cilmibaadhis ku sameeyay habka ugu fiican ee lacagta loo isticmaali karo si looga hor tago isbedelka cimilada waxaa af-iswiidhiska lagu yidhaahdo klimatförändring.

Haseyeeshe sida uu sheegay Klas Eklund oo cilmiga dhaqaalaha wax ka bartay in uu khilaaf dhici karo hadii abaalmarintan la siiyo William Nordhaus. Sababta oo ah in Nordhaus cilmibaadhistiisa aanu ku xoojin khatarta weyn ee soo socota hadii aan laga hor tegin wasakheeynta cimilada.

-Dabcan farta wuu ku fiiqay khatarta isbedelka cimilada ka iman kara, laakiin in ay xaaladu degdeg tahay muu odhan, ayuu sheegay Klas Eklund.

Culimada kale ee la filayo in ay qaataan abaalmarintan ayaa ah Paul Romer oo madax ka ah laanta dhaqaalaha ee bangiga aduunka iyo Esther Duflo oo ah gabadh u dhalatay dalka faraansiiska kuna takhasuustay cilmiga dhaqaalaha.

11:45 duhurnimo maanta ayaa lagu dhawaaqi doonaa cidda la siin doono biladda abaalmarinta Nobeelka dhaqaalaha ee sannadka 2018.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista