William Nordhaus iyo Paul Romer oo helay abaalmarinta Nobeel

1:24 min

William Nordhaus iyo Paul Romer ayaa loo kala qeeybiyay biladda abaal-marinta Nobeelka dhaqaalaha ee sannadka 2018.

Sida dhawaan lagu sheegay shir saxaafadeed. Nordhaus ayaa cilmibaadhis ku sameeyay habka ugu fiican ee lacagta loo isticmaali karo si looga hor tago isbedelka cimilada waxaa af-iswiidhiska lagu yidhaahdo klimatförändring.

Paul Romer ayaa madax ka ah laanta dhaqaalaha ee bangiga aduunka, Världsbanken ahna cilmibaadhe ka hawlgala jaamacada School of Business ee dalka Mareeykanka. Wuxuu wax ku soo kordhiyay hourumarka sancada dhanka cimilada. Labaduba waxeey cilmibaadhistooda xooga ku saareen sidii loo yareeyn lahaa wasakheeynta cimilada.

Xoghayaha akadeemiyada boqortooyada - kungliga vetenskapsakademin Göran K. Hansson ayaa sidan ka caddeeyay shir saxaafadeedka:

-Sannadkan waxaanu abaalmarintan siinay laba cilmibaadhe oo wax ku soo kordhiyay sidii looga hor tagi lahaa wasakheeynta cimilada.

Go´aanka qofka la siin doono abaalmarintan ayaa ka timid bangiga qaranka ee Iswiidhan.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista