Dhallaan aan iskuullada dib ugu soo noqon fasaxii xagaaga dabadii

1:05 min

Sagaal arday oo ka mida ardayda iskuulada ka dhigata Göteborg ayaan ku soo noqon iskuulada fasaxii xagaaga kadib.

Hey’adaha kala duwan ayaa ka baqaya in ardaydaa ay reerkoodu u direen dalalkii ay ka yimaadeen si loogu guuriyo.

Magaalada Göteborg ayaa gugii tegay xoogga saartay sidii looga hortegi lahaa guurka noocaas ah ee caruurta iyadoo magaaladu warbixin u dirtay shaqaalaha degmada si ay taa indhaha ugu hayaan. 

Katarina Idegård, Isku duwaha howlaha ka hortagga dembiyada la xiriira sharaf dhaca ee magaalada Göteborg.

– Ilaa iyo siduu u bilowday termiinka iskuulada waxan helay jawaab ah innuu jiro welwel la xiriira caruur gaareysa sagaal iyadoo ay iskuulo dhowr ka maqan yihiin ardayda. Welwelka ayaa inta ugu badan ka yimid laanta bulshada iyadoo keyska mid ka mida caruurtaa maqan loo gudbiyey boliiska, ayey tiri Katarina Idegård.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista