Iskuul xalay dab lagu baabiyay

1:04 min

Qeeybo ka mid ah iskuulka Gottsundaskolan ee ku yaal magaalada Uppsala ayaa xalay habeenmadii dab lagu baa´biiyay.

Laba hablood oo aan qaan gaadhiin ayaa lagu tuhmaya in ay dembigan ka dambeeyeen.

-Laba ka mid ah saddexda dhismo ee uu iskuulkani leeyahay ayaa halkaas lagu baabiiyey, sida uu sheegay Christer Engqvist weriye ka hawlgala laanta P4 Uppland.

Labada gabdhood ee hadda boolisku baadhayo ayaa isla goobta dabku ka dhacay lagu qabtay. Da´doodu waa 15 jir. Sidoo kale ayuu booliska magaalada uppsala bogooda ku soo qoreen in ay dhacdo nooc cusub ah ku tahay xaafada Gottsunda.

Arash Zavosh oo xeer ilaaliye ka ah kiiskan ayaa sidan sheegay:

-Waxaanu rajeeynaynaa in aan natiijo wacan ka heli doono baadhitaanka aanu hada bilaabnay. Dhanka kale waxaanu goobta ka helnay cadeeymo naga caawin kara qofka dembigan ka dambeeyay, ayuu yidhi.

Inta baadhitaanka la wado iskuulku waa xidhnaan doona, sidaas ayey sheegaty maamulaha iskuulkan Elisabeth Viksten Eriksson.

Arday gaaraysa 483 ayaa iskuulkan dhigta.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista