Xeerka argagaxisada Sweden oo ka duwan kuwa waddamada EU

1:33 min

Xeer ilaaliye Hans Ihrman ayaa raba in sharciga ka hor taga argagaxisada la sii adkeeyo sida ey qoreyaan xeerarka argagixisada ee u degsan qaar ka mid waddamada EU.

Tusaale ahaan ayaa waddanka Belgium dembi laga dhigay in shirarka ururada argagaxisada laga qeeyb qaato, Ingiriiska ayay dembi ka tahay in xubin laga noqdo urur ay dawladu argagaxisnimo ku shaabadeeysay, sidoo kale dalka Denmark ayey mamnuuc ka tahay in bulshada dhexdeeda lagu muujiyo fikiro taageeraya ururada noocaas oo kale ah.

In faraq u dhaxeeyo waddamadan iyo Sweden ayuu xeer ilaaliyuhu u arkaa mushkilad. Sababta ayaa ah in wada shaqeeyntu sii adkaan karto marka ay waddamadani caawimaad uga baahan yihiin Sweden, tusaale ahaan  baadhitaan halka loo baahan yahay in la qabto qof lagu tuhmayo in uu la shaqeeyo urur argagaxiso ah.

-Waxaa dhici karta in ay waddamadani u baahan yihiin caawimaad in ay helaan qof laga shakiyay in uu la shaqeeyay urur noocan oo kale ah. Markaa haddii falkaasi aanu dembi ka ahayn Sweden, wada shaqeeynta boliiska dalkan iyo waddamada EU wey adkaanaysa, ayuu sheegay xeer ilaaliye Hans Ihrman.

Isagoo hadalkiisii sii watana sheegay:

-Aniga waxaa ila fiicnaan laheeyd iney shuruucda argagixisadu mid ka ahaadaan waddamada EU, waxeey middaasi fududeeyn laheeyd wada shaqeeynta.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista