10 oktoober oo ku beegan maalinta Xanuunada dhimirka

2:58 min

10-ka bisha oktoober oo ku beegan maalinta xanuunada dhimirka ayaa laga xusaa meelo badan oo dunida ka mida.

Goobo badan oo ku yaal Sweden waxa dhaca muxaadarooyin kala duwan si ay dadku u helaan warbixinta xanuunka dhimirka.

Ururka samafalka ee Ibn Rushd iyo qaabilaadda xanuunada dhimirka Järva ayaa haddaba daarta Folket hus ee xaafada Rinkeby, Stockholm isniintii ina dhaaftay ka abaabulay kulan warbixineed ku saabsan xanuunka dhimirka.

Jamila Jama oo ka socotay ururka Ibn Rushd ayaa sheegtay iney la kulmeen dad badan oo qaba xanuunka dhimirka taasoo keentay iney soo abaabulaan barnaamijka wargelinta dhimirka.

Dhakhtar Liibaan Maxamed Cumar oo ka howl-galaa xarunta daryeelka caafimaadka dhimirka Järva ayaa sheegay mar uu u warramayay laanta afka soomaaliga ee idaacadda Raadiyaha Sweden in barnaamijku uu ku saabsan yahay faafinta warbixinta xanuunka dhimirka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista