Nin lagu dilay magaalada Malmö

Nin ayaa saaka lagu tooreeyey xaafada Rosengård ee magaalada Malmö, isagoona dabadeed u geeriyooday dhaawaci halkaas ka soo gaadhay.

Sida booliska magaaladaasi cadeeyay ayuu khilaaf dhex maray labada nin iyaga oo dukaan ku jira halka uu mid ka mid ah dabeetana middi ku dhuftay ninka dhintay. Booliska ayaa dabadeed gacanta ku dhigay nin lagu tuhunsan yahay inuu dembigan geeystay.

Stephan Söderholm oo booliska magaalada Malmö ka hawlgala ayaa sidan sheegay.

-Waxaan hadda baneeynay suuqa xaafada Rosengård si aan u baadhno goobta, islamarkaasna aan u wareeysano markhaatiyadii ku sugna goobta markii dembigan la galayay, ayuu yidhi.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista