QM oo qarisay warbixin ku saabsan dilkii Zaida Catalan

1:34 min

Qaramada midoobey ayaa qarisay maclumaad sheegaya in dawlada Koongo Kinshaasa ku lug laheeyd dilalkii shaqaalaha QM ee Zaida Catalan iyo Michael Sharp.

Sidaas ayaa laga ogaaday baadhitaan uu barnaamij ka baxa idaacadda Svt ee Uppdrag Granskning uu qayb ka ahaa.

Jan Eliasson oo hore u ahaa xoghaye ku xigeenka ururka caalamiga ee qaramada midoobey ayaa sidan sheegay.

-Waa muhiim in hadda la sii baadho sidii ay wax u dhaceen, ayuu yidhi.

Barnaamijka Uppdrag Granskning ayaa fiidnimada caawa  shaacin doona maclumaad sir ah oo kaga helay QM, halkaa oo lagu ogaaday sidii loo dilay saraakiishii Zaida Catalan iyo Michael Sharp bishii maarso ee sannadkii hore.

Baadhitaanka sirta ah ayaa laga akhriyi karaa in Qaramada Midoobey ogaayeen inay dawlada Kongo ka dambeeysay dilalkan, hasayeeshe ka qariyeen qaraabada Catalan iyo Sharp. Sidoo kale ayaanay QM maclumaadkan raacin baadhitaankii weeynaa ay u gudbiyeen goolaha ammaanka bishii agoosto sannadkii hore.

-Waxaan rajeeynayaa in ay QM khaladkooda saxaan siduu caalamku u ogaado wixii dhacay, ayuu sheegay Jan Eliasson.