Xaaladda siyaasadeed oo aan saamayn kalsoonida dadweeynaha

1:26 min

Xaaladda siyaasadeed ee dalkan ka taagaan iyo in aan weli lagu heshiin cidda Sweden hogaamin doonta ayaan saameeyn weeyn ku yeelan kalsoonida uu dadweynahu u qabo siyaasiinta.

Sidaas ayaa laga ogaaday baadhitaan ay shirkada tirokoobka Sifo u sameeysay laanta wararka Ekot.

Baadhitaankan ayaa sheegaya in xisbiga Sverigedemokraterna kor u kacay bishan aannu ku jirno ee nofeembar boqolkiiba 19.4 halka ay bishii hore gaarsiisnayd 18.8%.

Dhanka kale wuxuu tirokoobka Sifo muujinayaa in taageerada loo hayo xisbiga Moderaterna ay hoos u dhacday 18.4%, halka ay bishi hore aheeyd 19.2%.

Xisbiga Socialdemokraterna ayaa baadhitaankan ku helay taageero gaarsiisan 29% ee cobixiyeyaasha. Sidoo kale ayuu Centerpartiet taagan yahay 9.2%.

Xisbiyada ugu taageerada yar ayaa ah Liberalerna 4.6%, halka uu xisbiga Miljopariet helay 4.1% bishan.

Jan Teorell oo ah caalin ku takhasuusay cilmiga siyaasada kana hawlgala jaamacada magaalada Lund ayaa yiri.

-Waxaan odhan lahaa in xisbiyada MP iyo L yihiin kuwa khatarta ku jira hadii maanta la codeeyn lahaa.