Tirakoobka SCB oo lagu sheegay iney ajaaniib badani shaqeeyaan

1:22 min

Boqolkii 60 ajaanibtii Sweden qaxa ku timid muddo 15 sannadood iminka ey ka soo wareegtay ayey badankood u suurtagashey iney noloshooda maareeyeen oo bulshada la qabsadeen.

Waa sida ay tirakoob ku soo bandhigtay hayadda tirakoobka ee magaceeda loo soo gaabiyo SCB.

Tirakoobka ayaa lagu wareeystey dadyoow gaarsiisan 30 600 qof oo dalkan yimid intii u dhaxeeysay 1997-2006 oo da'doodu u dhexeeyso 18 ilaa 49 jir.

Dhanka kale 27% ee ka mid ah dadyoowga tirakoobka lagu wareeystey ayey ku adkaatey sidii ey bulshada ku dhex geli lahaayeen, isla markaana ku heli lahaayeen shaqooyin. Dadyoowgaasina oo badankood ka soo jeedaan waddammada dhaca qaaraddaha Afrika iyo Aasiya, sida tiorakoobka ku cad.

Mehrdad Darvishpour oo ah aqoonyahan cilmiga bulshada soo bartay ayaa sidan sheegay.

-Hadana waxaa uu baadhitaanku tusaya in ay boqolkii ba 30 dadkani weli ku suganyihiin shaqo l´aan.