Dacwad laga soo oogay kufsi gabar oo dhacay 25 sano ka hor

1:38 min

Maanta ayaa la sugayaa in dacwad lagu soo oogo nin lagu tuhunsan yahay kufsi gabar siddeed jir ah kaasoo 25 sano ka hor ka dhacay magaalada Göteborg.

Kiiskan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ay maxkamadi ka howl-gasho kadib markii ciidanka ammaanku bilowgii sanadkan fursad u heleen ay ku baaraan diiwaanka DNA-yada qoysaska.

Anders Eriksson, madaxa qeybta boliiska loogu yeero kiisaska qabow -”kalla fall” kiisaska muddo badan baarista loogu jirey.

– Diiwaanka ayaa ah suurtagal wanaagsan oo keenay in arrintan lagu guuleysto, ayuu yiri Anders Eriksson.

Waxey aheyd sanadkii 1995-kii markii gabar sideed jir ahayd oo ku dhaqnayd nawaaxiga Billdal loo geeystay jir dil iyo kufsi mar ay ka timid iskuulka iyadoo ku socota gurigeeda.

In kastoo rag fara badan laga qaaday baaritaan DNA sanadihii tegey haddana waxa lagu guul dareystay in la helo ciddii falkaasi ka dambeeysay. Taasi waxey sababtay in kiiska lagu daro kiisaska qabow ee xalka loo waayey.

Afartii janaayo 2019 ayuu yimid codsiga ah in la baaro diiwaanka DNA kadibna waxa jawaabta la helay 15-ka janaayo. Arintan ayaa suura gal ka dhigtay in nin lagu tuhunsan yahay inuu geystay falkan la soo qabto iyadoo maantana la furi doono kiiskii dacwadda. Ninka la tuhunsan yahay ayaa lagu soo oogey dacwad ah kufsi xooggan.