Darawalkii shil ka dhacay Sveg oo wax dembi ah lagu waayey

2:18 min

Maxkamadda degmada ayaa oodda ka qaaday kolkii ay ku qanci wayday dacwaddii lagu soo oogay darawalkii bas shil horay ugu galay magaalada Sveg 2017 oo ey saddex qof ku geeriyoodeen.

Go’aanka maxkamadda ayaa lagu sheegay in aan la caddeeyn darawalku inuu fahasanaa iuu hurdeeysnaa si aanu baska u kaxeeyn.

Maxkamadda ayaa qoraal saxaafadeed ku sheegtay:

"Maxkamadda degmadu kuma aanay qancin dacwaddii darawalka lagu soo oogay maadaama aan la caddeeyn in darawalku uu fahansanaa ama ay ahayd inuu fahmo inuu ama aad u daalanaa ama uu hurdeeysnaa oo ay jirtay khatar ah inuu shil dhaci karo si aanu baska u kaxeeyn, sidaa daraadeed ayaanu darawalku ugu kacin fal dembiyeed wax u dhimaya ammaanka waddooyinka.

Linn Scholande oo diifaacaysa qaar ka mid ah dadkii ey waxyeelooyinku ka soo gaareen shilkii baska ayaa sheegatay in aanay weli ka gaarain iney kala xaajooto go’aanka maxkamadda in racfaan laga qaato iyo in kale.

– Iminka un baan gacanta ku dhigay go’aankii maxkamadda, welina kama aanan gaarin inaan dhuuxo. Laakiin dareenkaygu wuxuu yahay inaan ka xumahay go’aanka maxkamadda, sida ay sheegtay Linn Scholande.

Ulrik Smedberg, wuxuu difaacayay darawalkii dacwadda lagu soo oogay.

– Waxaan qabay in eedeeynta aan la aqbalin sidii ayayna noqotay, ma jiro baaritaan la sameeyay oo caddeeynayay in macmiilkaygu uu ku kacay fal aan wanaagsanayn ama aan taxadar lahayn. Dacwaddan ma jirto cid guuleeysatay, hase yeeshee macmiilkaygu wuu ku qanacsan yahay go’aanka, sida uu sheegay Ulrik Smedberg.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda Östersund Stefan Ekeroth, yaa go’aanka maxkamadda sidan ugaga faallooday qoraal saxaafadeed: 

"Waxaan caddeeyn karaa in maxkamadda degmadu aanay ku qancin dacwadda guud ahaan, isla markaana oodda ka qaaday eedeeysanihii dacwadda lagu soo oogey. Go’aanka maxkamadda ayaannu dhuuxi doonnaa dabadeedna aan ka go’aan gaari doonnaa in abiil aannu ka qaadanno iyo in kale, sida uu qoraalka ku sheegay.

Darawalka baska ayaa lagu soo eedeeyey sabab u ahaansho geeri cid kale, sabab u ahaansho dhaawacyo jir iyo taxadar darro waddooyinka gaadiidka.