Iswiidhish lagu tuhmayo in uu la shaqeeyay Assange

1:01 min

Muwaadinka Iswiidhishka ah ee lagu qabtay dalka Ecuador ayaa lagu tuhmaya in uu basaasay telefoono ay iska leeyahiin shacabka ku nool Ecuador iyo dad ka tirsan dawlada halkaas. Sidaas ayuu sheegay madaxweeynaha Ecuador Lenin Moreno oo dhowaan dalka Mareeykanka booqasho ku tagay.

Moreno ayaa sido kale asaasaha Wikileaks Julian Assange ku eedeenaya in uu wakhtigii uu ku jiray safaarada ay Ecuador ee magaalada London ku soo dhaweeyay dhowr qof oo khubuuro ku ah in ay u dhacaan telefoonada dadka si ay maclumaad sir ah uga helaan.

Muwaadinka Iswiidhishka ah ee hadda lagu qabtay Ecuador ayey dawlada halkaasi ku tuhmaysa in uu ka mid ahaa kuwii Assange ku booqday safaarada Ecuador ee London.

Dhanka kale ayuu muwaadinka Iswiidhishka ahi dafirsanyahay dembiga lagu tuhmayo.

Wasaarada arrimaha dibada dalkan, Utrikesdepartementet, ayaa mar ay wareeysi la yeesheen telefishinka SVT sheegay in ay la socdaan kiiska muwaadinka Iswiidhishka ah hasayeeshe warbixin intaas dhaafsiisan dhiibi karin.