Dabeyl baaxad leh oo culays ku haysa dab ka aloosan kayn

1:12 min

Dab isniintii ka bilaabmay barxadda Speedway, Gislaved ayaa lagu sameeyay xakameeyn wareeg ah.

Dabka ayaa ka aloosan baaxad le'eg 800 oo lagu dhuftay 600 mitir. Adeegga dabdamiska ayaa sheegay inaan wali la xakameyn dabka, balse howshu ku socoto dhanka saxda ah. Dabdemiyeyaal gaaraya kontomeeyo iyo tiro tabaruc ah ayaa ku howlan daminta dabka.

Oscar Jonsson ayaa ka mida dadka sida tabaruca uga qeyb qaadanaya daminta dabka.

– Waxaan ku howlanahay inaan ka qeyb qaato biyo ku daminta goobta dabku ka holcayo, ayuu yiri.

Maanta oo talaada ah ayaa laga baqayaa in jawigu adkeeyo howlaha dab deminta, sida uu sheegay Anders Björk oo ah hogaaminaya kooxda ku howlan daminta dabka.

– Khatarta ugu balaaran waxey nagu soo fool leedahay galabta xilliga 2-da iyo 3-da duhurnimo. Xilligaa ayey hawadu qalalan tahay isla markaana dabeyl badani socotaa, ayuu yiri Anders Björk.