100 App oo iibiya warbixinta goobaha aad ku sugan tahay

1:12 min

Wargeyska DN ayaa kashifay iney jiraan "App" fara badan oo darsa dhaq dhaqaaqa 100-laal kun oo iswiidhish ah kadibna iibiya xogtaasi.

App-yadan oo ka badan 100 ayaa warbixinnada laga ogaado aaladda gps ee ku saabsan goobaha aad booqatay u dira shirkado ku howlan iibinta daraasidda dadka iswiidhishka ah.

Shirkadaha iska leh app-yadan ayaa arintan ka hela lacag badan maadaama ay warbixinta qofka ka iibiyaan shirkado lacag ku siiya arintaa.

Free Adblocker Browser oo ah app dad badan oo leh sistamka Android ay isticmaalaan ayaa ka mida shirkadaha iibiya warbixinta sida laga soo xigtay wargeyska DN.

Shirkadda Rocketshield oo iska leh app-ka Free Adblocker Browser ayaa warbixinta goobta aad ku sugan tahay ka iibisa shirkad xarun ku leh London oo la yiraahdo Huq Industries taasoo ka mida shirkadaha ururiya kadibna iibiya warbixinnada dhaq dhaqaaqa dadka.

Wargeyska DN oo raadiyey mas’uuliyiinta shirkadda Rocketshield ayay ku adkaatay iney jawaab ka helaan shirkadda.