Deegaanka Tjällmo oo bulshada ku dhaqan laga daad gureeyn doono

2:52 min

Xaaladdii dabka ee beryahan ka taagnayd goobo keeymo ah oo ka tirsan Sweden ayaa u muuqata mid sii degeysa. Gaar ahaan marka laga hadleyo dabkii ka holcayay keeyn ku taala nawaaxiga Hästveda oo dhaca waqooyiga degmada Hässleholm.

Hase yeeshee dabka ka holcaya Tjällmo ee degmada Motala ayaan weli la xakameeyn, iyadoo iminka ay xaaladdu aad u cakiran tahay, isla markaana la go’aamiyey in bulshada ku dhaqan laga daad gureeyo, sida ay sheegtay Sylvia Rydström, af hayeenka saxaafadda ee howlwadeennada adeegga badbaadada mar ay wareeysi siisay Alexander Galiano oo ka howlgala laanta wararka Ekot.

– Weli nawaaxigaa dabka ka holcaya lama xakameeyn. Balse waxaa ka howlgeleya howlwadeenno ka tiro badan oo ey ka mid yihiin milateriga iyo mutadawaciinta difaaca dalka, waxa afka iswiidhishka lagu yiraahdo hemvärnet. Kolka laga hadleyo dabka ka aloosan nawaaxigaTjällmo waxaannu u diyaargaroobeynaa sidii aannu bulshada ku dhaqan goobtaa uga daad gureeyn laheyn gelinka hore ee maanta, sida ay sheegtay. Iyadoo hadalkeedii sii wadana waxay tiri:

– Ma garaneeyno tirada dadka nawaaxigaa ku sugan, maadaama ay tahay meel ey ku yaalaan guryo teel teel ah iyo guryaha fasaxyada loo tago xilliga kuleeylaha, sommarstugor waxa loo yaqaanno, sida aannu u fahanney. Mana garan karno inta qof ee ku sugan.

Kolka laga hadleyo keeymihii kale ee uu dabku ka holcayay maalmihii u dambeeyey ayey tiro boqol gaareeysa ee shaqaalaha dabdemiska iyo milaterigu ka howlgaleyeen sidii lagu xakameeyn lahaa  dabkii ka holcayay nawaaxiga Granstorp ee degmada Gnosjö. Iminkana ay si dhab ah u bilaabatay howshii dabdemiska, dabadeed kolkii tubooyin biyo ah lagu wareejiyey keymo baaxaddoodu gaarsiisan tahay 200 oo hektaar, sida uu sheegay hoggaamiyaha ciidanka dabdemiska Daniel Moberg oo u warramey Ekot.

Dhanka kale wasiirka arrimmaha gudaha Sweden Mikael Damberg ayaa booqasho ku tegi doono nawaaxiga Hästveda, si uu kulammo ula qaato howlwadeennada dabdemiska, isla markaana uu indhisiia ugu soo arko xaaladda dabdeminta iyo dhibaatooyinka nawaaxigaa kala soo gudboonaaday. Wasiirka ayaa sidoo kale shir jaraa’id ku qaban doona nawaaxigaa saacadda 11-ka duhurnimo.