Dacwad maanta lagu soo oogay hoggaankii shirkadda Al-azhar

0:44 min

Shan qof oo xil hoggaan u hayey shirkadda samafalka iskuulka musliminiinta Al-Azhar ee Stockholm ayaa maanta lagu soo oogay dacwo la xiriirta danbi culus oo dhaqaalaha.

Gudiga shirkadda ayaa lacag gaareysa 11 milyan oo karoon ka saaray akoonka iskuulka, sida ay xustay hey’adda danbiyada dhaqaalaha la xiriira. Lacagtaa ayaa badankeedu ahayd mid loogu tala galay waxbarashada degmada iyadoona ay aheyd in loo isticmaalo waxbarasho kaliya.

Dembiga tuhunka laga qabo ayaa la geystay intii u dhexeeysay sannadihii 2015 – 2018.

Shantan qof ayaa dhamaantood ka soo horjeestay iney galeen wax danbi ah.

Shirkad ururedkan madaxa bannaan ayaa iskuullo kala duwan ku leh goobo kala duwan ee dalka ka tirsan, magaalada Stockholmna ay ka mid tahay.