Caruur gaareysa 180 000 oo la nool reero lagu leeyahay deymo

1:28 min

12-kii caruur mid ayaa ku nool guri ugu yaraan labada waalid mid ka mida lagu leeyahay deyn ama uu hey’adda qaan sheegadka Kronofogden uga furan yahay kiis qaan dib u bixin.

Hey’adda Kronofogden ayaa sheegtay inuu jiro farqi u dhaxeeya degmooyinka kala duwan ee dalka.

– Caruur badan baa dareenta ceeb la xiriirta guriga ay ku nool yihiin iyo inaanu dhaqaalaha reerku u ogolaaneyn iney helaan waxyaabaha ay heystaan saaxibadood, ayey tiri Tina Häggmark, sarkaal ka howl-gasha hey’adda Kronofogden.

Degmooyinka Grums iyo Skinnskatteberg ayaa ka mida degmooyinka ay ku nool yihiin caruurta reerkooda lagu leeyahay qaanta badan iyadoo shantii caruur mid reerkiisu qabaan qaan. Halka Lomma iyo Danderyd yihiin kuwa ugu qaanta yar.

Lena Lovén Rolén (S), xildhibaan degmada Skinnskatteberg ayaa sheegtay iney dadka dhaqaalahoodu hooseeyo u sahlan tahay degitaanka degmooyinka qaar.

– Waxaa jira dad ku nool degmada oo aan gaari karin heer nololeedka ka jira degmooyinka ay ku nool yihiin dadka uu soo galo dakhliga badan, ayey tiri.