Nin lagu tuhunsan yahay qaraxi Örebro oo la soo qabtay

1:00 min

Nin jira 50-meeyo ayaa la soo qabtay isagoo lagu tuhunsan yahay arrin la xiriirta qaraxii ka dhacay habeenimadii arbacada Holmen, Örebro.

Ninkan ayaa la soo qabtay maanta aroortii iyadoona xeer illaaliye Inger Sandström u sheegtay idaacadda P4 Örebro iney sababta qaraxu u eg tahay iney ku lug leedahay howlo dhex yaala kooxo geysta danbiyo.

Boliiska ayaa maanta galinki danbe shir jaraa’id uga warramay sida ay ku heleen ninkan danbiga lagu tuhunsan yahay.

– Qofkan ayaa laga helay meel ka mida goobta qaraxu ka dhacay isagoona loo qaaday cisbitaalka maadaama uu qabay dhaawac. Ninkan ayaa imminka lagu tuhunsan yahay inuu ku lug leeyahay qaraxa, ayey tiri Annika Laestadius, sarkaal ciidanka ammaanka oo ka howl-gasha Örebro.