Darawalada isticmaala qalabka cabira sakhradda oo soo kordhaya

2:15 min

Waxaa sii kordhaya dadaalada lagu doonayo in lagu yareeyo dhibaatooyinka ka dhasha sakhraanimada taasi oo ay ugu badan tahay kaxeeynta gaadiidka ee ruuxa sakhraansan.

waxaa jira dhibaatooyin badan oo halis ah, islamarkaana ay sababto in ruuxa cabsan ama sakhraansan uu wado gaadiidka taasi oo laamaha amaankuna ka digaan.

Sanadyadii ugu dambeeyay kumanaan qof oo iswiidhish ah oo isticmaala qamriga islamarkaana gaxeeya gawaarida  ayaa loo ogolaaday inay ku rakibaan baabuurtooda qalabka cabira in ruuxu cabsanyahay iyo inkale si ay u xaqiijiyaan in iyaga oo aan maandoorsaneeyn ay gaariga wadaan ugana badbaadaan in laga jabiyo leesinkooda sida ay muujineyso tirokoobyada Hay'adda Gaadiidka Iswiidhan.

Per-Ola Skarviken,oo ah isku duwaha alcolock ee Hay'adda gaadiidka ee Iswiidhan ayaa ku faraxsan horumarkaan.

- Waxaan ku aragnay daraasadihii la sameeyey markii aan arintaan soo bandhignay in ay jiraan saameyn wanaagsan oo ah isticmaalka aaladaan.waxaana jira hubsasho sax ah ee ku aadan  dib u soo noqoshada waditaanka gaariga ee sakhraanimada kadib,waxay sidoo kale isticmaalka aaladaan cabirta sakhraanimada u aragnaa inay yaraysay fasaxa xanuunkawaxaana  jira fursado fiican oo aad ku sii wadan karto shaqadaada. ayuu yidhi Per-Ola Skarviken.

Ma ahan wax caadi ah halista ay keento wadista gaariga ruuxa oo cabsan waxaana tan iyo sanadkii 2012-kii sii kordhayay isticmaalka aalada cabirta sakhraanimada ee lagu xiranayo gawaarida,taasi uu ka hortagaysa in aad gaariga gaxayso adiga oo cabsan inkastoo hadana ay muhiim tahay in ruuxa uu maraa baaritaan caafimaad.

Qofka ay laamaha amaanku ay ku qabtaan isaga kaxaynaya gaari xiliga uu sakhraansanyahay ayaa la kulma ciqaab ay ugu horeyso in laga jabiyo badantaha ama leesinka ”körkort”