Hey’adda kormeerka iskuulada oo xireysa iskuul ku yaal Stockholm

0:53 min

Hey’adda kormeerka iskuulada ayaa go’aan ku gaartay in dib loogala noqdo oggolaashaha howlaha iskuulada iskuul ku yaal koonfurta Stockholm.

Hey’adda ayaa u aragta in milkiilaha iskuulku aanu aqoon u laheyn sharciga iskuulada taasoo keeneysa inaanu ku habooneyn sii wadidda howlaha iskuulka. Waa markii ugu horeysay ee hey’adda kormeerka iskuuladu gaarto go’aan noocan ah oo ku salaeysan sharciga baaritaanka milkiilaha (lag om ägarprövning) kaasoo hirgaley 1-da janaayo 2019.

Sidoo kale dugsi sare xirfadeed ku yaal Skåne ayaa isaguna khatar ugu jira in la xiro haddii aaney shirkadda maareysa iskuulka xalin dhibaatada dhaqaalaha shirkadda heysata.