Nyamko Sabuni oo loo doortay hogaanka Liberalerna

1:07 min

Xisbiga Liberalerna ayaa u doortay wasiirkii hore isdhaxgalka Nyamko Sabuni in ay noqoto hogaamiyaha cusub ee xisbiga.

Nyamko Sabuni ayaa xilka kala wareegeysa Jan Björklund oo mudo 13 sano hogaaminayay xisbiga.

Fredrik Furtenbach oo ah falanqeeyaha siyaasadda arrimmaha gudaha ee laanta wararka Ekot ayaa sheegay in hadalka Sabuni uu ahaa mid kooban taariikhdana baal ka galay, waa markii ugu horeysay qof ahaan Afro-svenska uu xisbiga hogaamiye ka noqday.

Dhanka siyaasad ahaan ayay Sabuni rajeyneysaa mustaqbalka sidii ay dib ugu soo celin leyd wadashaqeyntii xisbigeedu la lahaa Alliansen ayadoona 2022 uu xigsbiga dib ugu soo celin doono su’aalaha quseeya wasiirada.

Alliansen waa xisbiyo midoobay oo Liberalerna uu ka qeyb ahaawaxa ayna kana kooban Centerpartiet, Kristdemokraterna, Liberalerna iyo Moderaterna.