1-da Luuliya maalinta xuriyadda Jamhuuriyada Soomaaliya

2:56 min

Xuska 1-da Luuliyo oo ah maalinta xuriyadda dalka Soomaaliya ayaa ah maalin ku weyn dadyow badan oo Soomaali ah kuna nool dalka iyo dibadiisa.

Waxaa kasoo wareegatay 59-sano kadib, markii udubada loo dhigay dowladdii iyo maamulkii ugu horeeyay oo ay yeelato Jamhuuriyada Soomaaliya.

In kastoo, dalka uu soo maray fowdo iyo dagaalo soo lixaadsaday, haddana Soomaalida wali waa ay xusaan, kuna weyntahay xuska maalintaan.

Hadaba qaar ka mid ah Soomaalidaas oo ku nool xaafadaha ay ku badanyihiin ee magaalada Stockholm ayaa inoo sheegay in 1-da luuliyo ay mudaan tahay xusid iyo iney wanaagsan tahay in caruurta wax badan laga baro taariikhda uu dalka soo maray.

In xaflado la isugu yimaado haddana laga yaaco ayadoon dadka la barin qiimaha aysan wax macnaha ii sameynin ayuu yiri C/raxmaan Jeele

Maxaa u sabab ah in caruur badan oo Soomaali ah aysan wax badan ka aqoonin? Jeelle ayaa arinkaasi ku dhaliilay waalidiinta in aysan waqti siin caruurtooda barina taariikhda dalkooda. Waa kan Jeelle oo mar kale ka hadlaya.

Guud ahaan Soomaalida ku nool dalka iyo dibadiisa ayaa u dabaal daga xuska 1-da Luuliyo ayadoona dadka ay sameystaan xaflado ay ku xusayaan maalintaasi ay ka dhacaan dalka iyo dibadiisa.

Soomaalida ku nool dalka Sweden ayaa ka qeyb qaata xuska waxaana laga dareemayaa magaalooyinka dalkaan abaabulka xafladahaasi.

Ugu danbeyn Cabdiraxmaan ayaa dhalinyarada usoo jeedinaya in ay bartaan taariikhda dalkooda oo ah asalka waxa ay yihiin.