Waalidiin qalad u arka hindisaha Moderaterna ee ah in la joojiyo turjubaanka

3:20 min

Shalay ayay aheyd markii uu xisbiga Moderaterna soo jeediyay hindisa ah in la joojiyo turjubaanka dadka loo qabanayo. Taa badalkeeda ayuu xisbiga ku xalinayo in dadka laftooda ay bartaan afka Iswiidhishka maadama ay ku noolyihiin dalka.

Haddaba idaacadda oo ka duuleysa arinkaasi ayaa booqatay xaafada Kista ee dhacda galbeedka magaalada Stockhom oo ay ku noolyihiin Soomaali fara badan si aan u ogaano waxa ay kala socdaan hindisahaasi iyo sida ay u arkaan?

Iskuulkan waa goob ka mid ah goobaha dadka waaweyn ay ka bartaan afka Iswiidhishka waxaana ku sugan waalidiin Soomaali ah aan la wadaagi doono dhowr su’aalood.

Khadra Maxamed Jaamac oo waddanka mudo sanad ah joogtay horayna aanan wax usoo baran ayaa ka mid ah dadka maalin walba yimaada goobtaan si ay u barato afka Iswiidhishka.

Khadra Maxamed Jaamac ayaa u aragta go’aanka go’aankaasi moderaterna ee joojinta turbujaanka inuu yahay mid lagu deg degay.