Shacbaan: Qof walba waa in uu akhriyaa buug

2:56 min

Dhalinyaro iskooda isu xil-qaamay ayaa markii ugu horeysay ka sameeyay magaalada Borlänga kulan buug akhrin.

Dhalinta ayaa ka duulayay fikirka ah Sooamaalida wax ma akhriso iyo sidii ay u kobcin lahaayen afka Soomaaliga, iyagoo bilaabey iney wada jir ah u akhriyaan buugaag ay u arkaan iney waxtar u leeyihiin bulshada.

Shacbaan Sheekh Daahir ayaa ka mid ah dhinyaradaasi, iyadoo todobaadkan nagu soo booqatay xarunta idaacada laanta afka Soomaaliga ee Sveriges Radio, iyadoona sheegtay in hadafka ugu weyn oo ay u aasaaseen barnaamijka buug akhrinta uu ahaa sidii ay u kobcin lahaayeen akhriska, gaar ahaan Soomaalida.

Haddaba dadka ku cusub kulan buug akhrinta ee dagan magaalada sidey u arkaan, Shacbaan ayaa sheegeyso in ay aad usoo dhaweeyeen, kuna dhiiradaan dadka kulanka kadib in ay akhriyaan buugaag.