Sweden oo tartan ugu jirta xarun satelaayt-ka laga diro

2:17 min

Sweden ayaa ka mid ah waddammada tartanka ugu jira iney ku guuleeystaan inay noqoto xarunta Yurub ugu horreeysa ee dayax gacmeedyo looga gamo hawada sare.

Hoggaanka hayadda samada iyo hayadda dawliga ee culuunta samada ee magaceeda loo soo gaabiyo SSC ayaa dawladda ka codsaday maaliyad 400 oo malyan gaarsiisan oo lagu dhiso waxyaabo ey ka mid yihiin sagxad dayax gacmeedyada laga diro, sida ay war ku sheegtay laanta wararka Ekot.

18-ka bishan sebteember oo ku beegan arbacada foodda innagu soo haysa oo ay dawladdu soo bandhigi doonto miisaaniyaddeeda dayrta ee sannadka foodda innagu soo haya ayay magaalada Kiruna oo dhowr miil u jirta xarunta saldhiga samada – Esrange ay ku sugnaan doontaa wasiirka waxbarashada sare iyo cilmi baarista Matilda Ernkrans. Hase yeeshee sida ay sheegtay laanta Ekot ay ka gaabsatay in loo qoondeeyey xarunta miisaaniyad ay tartanka
ku gasho.

Sannadaha foodda innagu soo haya ayaa la fileyaa iney aad kor ugu kacaan satelaaytyada koownka ku wareegeeysta middaasina ugu wacan tahay waxyaabo ey ka mid yihiin dhismaha shabakadda net-ka ee 5G. Kolka laga yimaado Sweden waxaa sidoo kale la qorsheeyneyaa in dayax gacmeedyo laga gamo waddammada Boqortooyada Ingiriiska, Bortuqiiska, isbaaniya iyo Noorway. Haddii Sweden noqon lahayd waddanka ugu horreeya ee laga diro gantaal dayax gacmeed ayay u noqon lahayd tallaabo wax ku ool ah oo ey kaga hor marto waddammada kale, sida uu sheegay Stefan Gustafsson, ahna madaxa laanta istaraateejiyada ee SSC, mar uu la hadlay laanta wararka Ekot.

-Baahi ballaaran ayaa caalamka ka jirta halkii samada looga gami lahaa satelaaytyo yaryar, waana mid xaddideeysa hor u marka kaabiyeyaasha samada oo muhiimad ku fadhida, sida uu sheegay.