Ereyadii qoraagii Astrid Lindgren ayay daanishku caashaqeen

2:13 min

Ereyo laga soo xigtay buugga "Bröderna Lejonhjärta" ayaa noqdey kuwii loogu caashaq badnaa dalka Danmarka, 63% dadkii ka qayb galey tartan lagu kala dooranayey soo xigashooyin.

Idaacadda Danmark oo wada shaqeeyn la sameeysay ururka madxafyada buugagta ee dalkaasi ayaa cod u qaaday ereyada buugag laga soo xigtay ee loogu jecel yahay. Halkaasina oo codadkii ugu badnaa ay ku guuleeysatay oraah ku qornayd buugga ”Bröderna Lejonhjärta” oo ay qortay qoraayaddii iswiidhishka ee Astrid Lindgren.

" Mararka qaarkood waa in wax la qabato, xitaa haddii ay halis tahay, haddii kale waxba ma tihid”, waa xigasho ey 63% daanishkii codeeyey ka door bideen xigashooyinkii kale.
Koox loo saarey ayaa soo xulay sagaal weedh xigashood si lagu kala doorto, middaasina oo ey ka qayb galeen 28 623 oo qof.

– Xitaa haddii hal qabsigani uu iswiidhish yahay haddana wuxuu dareen gelinayaa nafsadda daanishka. Wuxuu ka tarjumayaa in mararka qaarkood lagu dhiirado wax cabsi leh. Waa xigasho laga soo min guuriyey buug caruureed oo aan u baahanyn wax sidaa halis u ah in lagu dhiirado, balse waxay xambaarsan tahay xigmad ballaaran, sida uu sheegay agaasimaha guud ee ururka madxafyada Danmarka Michel Steen-Hansen.

Xigashooyinkii kale ee laga guuleeystay oo sagaal ahaa waxaa badankood laga soo qaatey buugag ey leeyihiin qoraayo daanish ah, hase yeeshee waxaa kaloo ka mid ahaa xogasho laga soo qaatay buugga "Nalle Puh" iyo mid laga soo qaatay buug uu qoray qoraagii John Green.