Go'aan cusub oo ku aadan deegaanka sharci sugaha ajnabiga ah

1:54 min

Dadka magan gelyo doonka ah ee doorta in ay ku noolaadaan xaafadaha danyarta ama ajaaniibtu u badan yahay, ayay dowladda waxay go’aan ku gaartay in laga jaro lacagta gunida ee la isa siiyo inta sharciga la sugayo.

– Waxaan ujeednaa dhibaato weyn oo cirirri xagga deegaanka ah iyo faquuqa markii dad badan ay sii degaan meelaha ugu jilicsan ee, ayuu yiri  Fredrik Malm, oo ah afhayenka socdaalka ee xisbiga Liberalka.

Fredrik ayaa intaasi ku sii daray qofka magangelyo doonka ah in uusan degi karin goobaha ajaaniibta ku badan yahay, haddii uu degana aan la siin doonin lacagta kaalmada.

Xaaji Faarax oo ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Sweden ayaa soo dhoweeyay go'aanka maanta soo baxay, balse hir geli doona marka baarlamanku aqlabiyad ugu codeeyo.