Dacwadda maxkamadda wasiir hore oo maanta bilaabaneysa

2:15 min

Maxkamadda dacwad ka dhan ah wasiirkii hore ee horumarinta miyiga Eskil Erlandsson kana tirsan xisbiga (C) ayaa bilaabatay maanta. Erlandsson ayaa loo heystaa faro xummeyn ama dhibaato kale.

Saddex ka mid ah dumarka eedeymaha ka gudbiyay ayaa ka tirsan isla xisbiga Centerpartiet, halka labo kalana ka tirsan yihiin xisbiga Moderaterna.

Dhammaan saddexda dumarka ah ayaa sheegay in wasiirku uu ku xadgudbay xilli hawl shaqo lagu guda jiray, iyaga oo sheegay in  Erlandsson uu ka salaaxay cajarka xilli ay dhinac fadhiyeen.

Johanna Björkman oo ah qareenka daafaceysa wasiirka ayaa sheegtay in kiiskani uu yahay mid cajiib ah maadaama ayay tiri dumarka waxa ay ka hadlayaan ay tahay arrin dhacday xilli shaqo oo ay ka dhacaday meel dad wada joogaan sida miiska cashada oo aysan ahayn in labada ruux keligood ay meel joogeen ama ay ku sugnaayeen goob gaar ah.

Erlandsson qudhiisa ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyey, wuxuuna sheegay in waxba aysan ka jirin waxa la sheegayo.

– Baaritaanka waxaa lagu ogaaday in dhibaato shaqsi uu qabo Erlandsson oo xagga caafimaadka ah, sida xaglaha iyo jirka oo deryaama oo uu dhowr jeer isagu is tuutuujiyay ayna dhici karto isaga oo aan is ogeyn in uu taabtay dumarkaasi, ayay tiri Johanna Björkman.

Dacwadda ka dhanka ah Erlandsson ayaa la soo oogay bishii Agoosto ee sannadkan. Dhacdooyinka lagu eedeynayo ayaa dhacey intii u dhaxeysay sannadihii 2016-2018.

Sida ay sheegtay Annie Lööf, hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet, hoggaanka xisbiga ayaa isku dayay in Erlandsson laga saaro xisbiga sannad ka hor markii saluug xisbiga dhexdiisa ah uu soo ifbaxay.

Hase yeeshee Erlandsson ayaa diiday, isaga oo ku sii jiray baarlamanka ilaa iyo bishii Maarso ee sannadkan toddobaad ka hor inta uusan bilaaban baaritaanka eedeymaha loo soo jeediyay.

Haddii dambi lagu helo Erlandsson, waxaa la filayaa in ganaax lagu rido.